Sawirro: Madaxweynaha JFS oo ka qayb-galay caleema saarka Paul Kagame

0

KIGALE (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qeyb galay munaasabadda caleema-saarka Madaxweynaha dib loo doortay ee Jamhuuriyadda Rwanda Mudane Paul Kagame.

 

Madaxweynaha ayaa ka mid ah hoggaamiyeyaasha dalalka gobolka iyo caalamka ee ka qeyb-galaya caleema-saarka Madaxweyne Kagame, waxaa uuna ku bogaadiyey shacabka iyo dowladda Rwanda sida ay uga soo kabteen dagaalladii sokeeyee iyo qaran jabkii ku yimid dalkooda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahad-celiyey shacabka iyo dowladda Rwanda soo dhaweynta diiran, isagoo adkeeyey muhiimadda xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya Labada dal .

DHAMMAAD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here