ADDIS ABABA (SMN) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo labo cisho ku sugnaa dalka Itoobiya ayaa inta uusan maanta kasoo ambabixin sida Dowladda Itoobiya sheegtay booqasho ku tagay goobaha taariikhiga ah ee dalkaasi.
Sawiro laga soo qaaday booqashada madaxda labada dal ee goobahaasi ayaa muujinaya Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo salaan ka qaadanaya Ciidan Dareys cad ku labisan oo la sheegay in ay yihiin kuwa Badda ee Itoobiya, iyadoo la wada ogyahay in Itoobiya aysan bad laheyn, qorshaha ay Ciidankaasi mudo dheer u laheydna uu ahaa damaceeda fog ee badda ee dalalka dariska oo Soomaaliya ay ku jirto.
Dowladda Itoobiya oo maamuus u sameynaysa askartii uga dhimatay dagaalkii 77 ayaa wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya geysay taalooyinka loo dhisay askartii uga dhimatay dagaalkii 77 ee Soomaaliya ay la galeen.