Sawirro: Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Masar

0

QAAHIRA (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi l uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Qaahira ee dalka Masar.

 

Safarkan ayaa ku salaysan martiqaad rasmi ah oo Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka helay walaalkiis Cabdulfataax Al-siisi si ay uga wada-hadlaan xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee Labada dal, iskaashiga difaaca iyo amniga Soomaaliya iyo Masar, danaha wadajirka ah iyo xaaladda gobolka.

Inta lagu guda jiro booqashadan, wafdiga dowladda Soomaaliya ee uu hoggaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulamo muhiim ah la yeelan doona Madaxweynaha dalka Masar, Mudane Cabdulfataax Al-Siisi iyo mas’uuliyiin kale oo sar-sare oo ka tirsan dawladda Masar.

Booqashadan ayaa muujinaysa muhiimadda uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud siinayo horumarinta xiriirka Soomaaliya iyo Masar, iyo in labada dal ay guda galaan fulinta iskaashiga dhanka amniga iyo difaaca, si loo wajaho khataraha argagixisada iyo duruufaha gobolka.

DHAMAAD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here