Sawirro: Madaxweynaha Soomaaliya oo tababar usoo xiray saraakiil cusub

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb galay munaasabad ay ku qalin-jabinayeen Dufcaddii 6-aad ee Layli Saraakiil ee ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa abaal-marinno guddoonsiiyey Saraakiisha gashay kaalmaha hore.

 

Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay Saraakiisha maanta qalinjabiyey in ay hormuud u noqdaan halganka Qaran ee dalka looga xoreynayo Khawaarijta caqabadda ku ah amniga, xasilloonida iyo horumarka dalka iyo qorshaha dib dhiska ciidamada Xoogga dalla Soomaaliyeed.

“Waxaad soo gaarteen marxaladdii ugu muhiimsanayd ee taariikhdiinna ka mid noqoshada CXDS. Waxaad hibeyseen wixii ugu qaalisanaa ee aad haysateen oo ah naftiina, waxaana la idinka sugayaa in aad dadkiina ka kor qaaddaan argagixisada nolosha u diidan”.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyey Dowladda iyo shacabka dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga dadaalka ay ku bixiyeen in saraakiishan lagu carbiyo dalka gudihiisa, waxa uuna xusay in xiriirka u dhexeeya Turkiga iyo Soomaaliya uu yahay mid ku dhisan walaaltinimo iyo iskaashi mug weyn.

DHAMMAAD.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here