Madaxweyne Cali Guudlaawe oo ka qayb-galay munaasabad ka dhacday Matabaan

0

MATABAAN (SMN) – Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa xalau ka qeybgalay munaasabad ay soo qabanqaabiyeen maamulka degmada Matabaan, taas oo ka dhacday xarunta degmada.

 

Shacabka degmada Matabaan ayaa ka mahadceliyay taariikhda uu u sameeyay Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe).

“Waxaad na tusteen heer aan qiyaas laheyn oo la xariira dowladnimada Hirshabeelle. Waxaan hambalyo leeyahay bulshada Geri-jir oo ay u ansixiyeen Golaha Wasiirrada Dowladda Hirshabeelle degmanimo,” ayuu yiri Madaxweynaha HirShabeelle.

Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa guul iyo barwaaqo u rajeeyay shacabka uu caawa kula kulmay degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here