Sawirro: Madaxweyne Xasan oo gaaray deegaanka Wargaadhi + Ujeedka

0

JOWHAR (SMN) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray deegaanka Wargaadhi ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo uu ka socdo guluf ka dhan ah Al-Shabaab.

 

Madaxweynaha ayaa markii uu tegay deegaanka la kulmay taliyaha ciidamada Xoogga dalka iyo saraakiisha hoggaamineysa ciidanka  ku sugan halkaasi, isaga oo ka dhageystay warbixin ku aadan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo guulaha laga gaaray.

Ujeedka safarka madaxweynaha ayaa la xiriira dardar-gelinta howlgallada ka dhanka ah maleeshiyaadka Al-Shabaab, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Villa Soomaaliya/

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo dardar galinaya howlgallada dib u xoreynta dalka ayaa garay deegaanka Wargaadhi ee gobolka Shabeellaha Dhexe” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay madaxtooyada.

Sidoo kale waxaa lasii raaciyay “Madaxweynaha ayaa Saraakiisha hoggaamisa Ciidamada Xoogga Dalka ee deegaanka ku sugan ka dhegeystay warbixinno ku saabsan guulaha laga gaaray dagaalka Khawaarijta, warbixinta ciidamada ay hoggaamiyaan iyo qorshaha waqtiga kooban ee Khawaarijta looga xoreynayo deegaanada haray”

Xasan Sheekh ayaa inta uu jooga furimaha hore ee dagaalka booqdan doono saldhigyada ciidamada, si uu ugu dhiiro-geliyo dagaalka adag ee ay kula jiraan Al-Shabaab.

Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa weli ka socda guluf culus oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka, si gobolkaas looga xoreeyo Al-Shabaab.

Horay madaxweynaha ayaa waqti badan ugu bixiyay furimaha dagaalka, wuxuuna maalmo badan daganaa magaalada Dhuusamareeb oo uu ka hoggaaminayo dagaalka Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here