MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xuska maalinta Dhalinyaradda Soomaaliyeed ee 15-ka May awgeed waxa uu Ubax dhigay Taallada SYL oo lagu xasuusto dhalinyaradii gobanimo u dirirka ahayd ee SYL.
Wasiirro, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, taliyaha booliska, saraakiil ciidan iyo masuuliyiin kale ayaa ka qeybgalay munaasabadda Ubax dhigga xuska 15-ka May, oo ah maalinta aas-aaska dhalinyaradii gobanimo doonka SYL ee dhexda u xirtay dhismaha Qaranka Soomaaliyeed.
15-ka May waa maalin qaran oo Soomaaliya laga xuso aasaaskii Ururka gobanimo-doonka SYL, kaasoo ahaa ururkii ugu horeeyay ee dalka laga hirgaliyo,lana yimid halgan adag oo loo galay hanashada xoriyadda Dadka iyo Dalka.
Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-