Sawirro: Maxaa kasoo baxay kulankii ra’iisul wasaare Xamza iyo ganacsatada?

0

MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan caawa la qaatay xubno ka tirsan ganacsatada Soomaaliyeed, iyada oo kulanka diiradda lagu saarayey canshuurta gadista oo ay horey u qaadi jirtay dowladda, balse hadda lagu sameeyay casriyeyn iyo dib-u-habeyn.

 

Wadahadalladan ayaa la xiriiray sidii loo waafajin lahaa canshuuraha la casriyeeyay baahiyaha iyo xaaladaha kala duwan ee ganacsatada, iyadoo la tixgelinayo tabashooyinka ganacsatadu soo jeediyeen, isla markaana ay Xukuumaddu ballanqaadday in ay wax ka qaban doonto.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here