Sawirro: Maxay ka wada-hadleen Aadan Madoobe iyo Axmed Madoobe?

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Golaha shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyada Federalka Soomaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa hoygiisa kulan kula qaatey Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

 

Kulanka ayaa looga hadlay xaaladaha guud ee deegaanada Jubbaland, la dagaalanka Khawaarijta iyo sidii xal loogu heli lahaa fatahaadaha laga cabsi qabo in ay ku dhuftaan qaar kamida gobolada dalka, waxaana uu Guddoomiye Sheekh Aadan kula dardaaramay Madaxweynaha Jubbaland in dadka ku dhaqan goobaha laga cabsi qabo la gaarsiiyo digniino, isla-markaana xaaladooda laga warhaayo.

Kulanka waxaa sidoo kale qayb ka ahaa Wasiirka Xanaanada Xoolaha ee Dowladda Federalka Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Maxamed (Eelaay).

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here