Sawirro: Maxay ka wada-hadleen Aadan Madoobe iyo Sheekh Shariif?

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xalay kulan is xog-wareeysi ah la qaatay Madaxweynihii hore ee dalka ahna Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka BJFS Mudane Shariif Sheekh Axmed.

 

Kulankan ayaa intiisa badan waxaa lagu lafa-guray xaalada guud ee dalka iyo dardargelinta dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa lagu soo qaaday arrimaha dastuurka iyo shuruucda hor tebinta leh ee hor yaalla Golaha Shacabka Baarlamanaka Fedraalka Soomaaliya.

Muddooyinkii u dambeeyay Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo dalka kusoo laabtay ayaa kulamo ka waday Muqdisho, waxaana horay u qaabilay madaxweynaha Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here