Sawirro: Maxay ka wada-hadleen Axmed Madoobe iyo Cabdikariin Xuseen Guuleed?

0

MUQDISHO (SMN) – Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Somaliland Cabdikarim Xussein Guuleed ayaa kulan Muhiim ah oo horudhac u ah Qorshaha Talo Wadaagga Madaxda iyo Bulshada Dowladd Goboleedyada la qaatay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka JUBALLAND Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

 

Labada mas’uul ayaa waxa ay si qoto dheer isaga wareysteyn Socdaal uu dhawaan Ergeyga ku tagi doono deegaanada Jubbaland si uu u soo dhageysto tallooyinka iyo Aragtiyada Masuulliyiinta iyo Shacabka Maamulkaasi ay ka qabaan hanaanka loo wajahayo Wadahadallada DFS iyo Somaliland.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa soo dhaweeyay dedaalka Xafiiska Ergeyga, waxaana uu u muujiyay garab istaag buuxa, Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa Madaxweynaha uga Mahadceliyay tallooyinkiisa wanaagsan iyo aqbalaada qorshaha Xafiiskiisa.

Horay ergey Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa kulamo muhiim ah oo kala gooni-gooni ah la qaatay madaxweynaha dowlad-goboleedka HirShabelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo kan dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Lafta-gareen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here