MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta hoyga uu ka dagan yahay Magaalada Muqdisho ku qaabilay Gudoomiyaha hay’ada Maareynta Musiibooyinka qaranka Maxamuud Macalin Cabdulle.
Kulankan ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Jubaland Axmed Xasan Cumar.
Inta uu socday kulanka ayaa lagaga hadlay gurmadka dadka ay saameeyeen musiibooyinka dabiiciga ah iyo tageerada qoysaska ka barakacay deegaanada Ceelcade iyo Gerilley ee Gobolka Gedo.
Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-