Sawirro: Maxay ka wada-hadleen duqa Muqdisho iyo George Conway?

0

MUQDISHO (SMN) –  Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay Ku-xigeenka Wakiilka Qaramada Midoobe ee Soomaaliya ahna U-qeybsanaha Howlaha Bani’aadannimada Mudane George Conway.

 

Kulanka ayaa loogu hadlay arrimo ay ka mid yihiin xoojinta wada-shaqeynta Xafiiska QM iyo Maamulka Gobolka Banaadir, xal u helida arrimaha barakacayaasha iyo sidii Xafiiska xalka waara ee Maamulka Gobolka Banaadir (DSU) lagu garab siin lahaa Qorshahooda.

Sidoo kale waxaa shirka lagu qaaday shaqo abuurka dhalinyarada, waxbarashad, caafimaad iyo deegaameynta barakacayaasha ku nool Magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here