Maxay ka wada-hadleen guddoomiyaha SoDMA iyo safiirka Shiinaha? + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) -Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Md. Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa kulan looga hadlay xaaladda bani’aadannimo ee dalka iyo taageerada gargaar ee loo baahan yahay la qaatay Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha u soo magacowday dalkeenna Md. Wang Yu.

 

Guddoomiyaha ayaa Safaaradda uga mahadceliyay doorka wanaagsan ee ay ka qaadato dedaallada gargaarka iyo mashaariicda hormarka dalka, isagoo la wadaagay baahida xilligaan loo qabo, kaabayaal sida; bakhaarro, gaadiid iyo qalab lagu tabco calafka xoolaha oo loogu talagalay in la adeegsado xilliga jiilaalka.

Danjire Wang Yu, ayaa ballan-qaaday in dhawaan Dowladda Shiinaha ay waddanka keeni doonto gargaar raashin ah, isagoo xusay inuu sii xoojin doono wada-shaqeynta iyo iskaashiga arrimaha gargaarka ee ka dhaxeeya hay’adda Maareynta Musiibooyinka iyo Safaaradda Dowladda Shiinaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here