Sawirro: Maxay ka wada-hadleen Maxamuud Macallin iyo Aadan Madoobe?

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Ku-simaha Madaxweynaha JFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle.

 

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe AYAA warbixin ku saabsan xaalada guud ahaan degaannada ay fatahaadaha iyo daadadka roobabku saameeyeen ka dhageystay guddoomiyaha Hay’adda Mareeynta Musiibooyinka Qaranka.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa kula dardaarmay madaxda iyo shaqaalaha hay’adda SODMA in dadka Soomaaliyeed loogu shaqeeyo si hufan, isla-markaana ay laba jibaaraan shaqada ay qaranka u hayaan.

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa guud ahaan dadka Soomaaliyeed ugu baaqay in la isku gurmado oo la gacan qabto dadka ay saameeyeen daadadka iyo fatahaadaha.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here