Ra’iisul wasaare Xamza oo kulan la yeeshay dhiggiisa dalka Jabuuti

0

JABUUTI (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre iyo wafdiga uu hoggaaminayo oo ku sugan magaalada Jabuuti ayaa la kulmay dhiggiisa Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Cabdulqaadir Kaamil Maxamed.

 

Labada Ra’iisul Wasaare ayaa kulankooda uga wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya labada waddan ee walaalaha ah Ee Soomaaliya iyo Jabuuti.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa xalay qaabilay Aqoonyahanno Soomaaliyeed oo ku hawlan cilmibaaris ku saabsan dib u heshiisiinta shacabka Soomaaliyeed.Aqoonyahannada oo qayb ka ah madasha Machadka Heritage ee maanta ka billaabatay magaalada Jabuuti, ayaa Ra’iisul Wasaaruhu kala hadlay doorka muhiimka ay aqoonyahannadu ku leeyihiin baarista iyo xal u helidda mashaakilaadka ka dhashay dagaalladii sokeeye ee dalkeenu soo maray.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa  sheegay in dib u heshiin dhab ah ay saldhig u tahay xoojinta dowladnimada, isla markaana Xukuumadda DanQaran ay xoogga saareyso ka mirodhallinta aragtida Madaxweynaha ee “Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah”.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here