Sawirro: Maxay ka wada-hadleen ra’iisul wasaare Xamza iyo danjiraha Talyaaniga?

0

MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa la kulmay Danjiraha Dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Mudane Pier Mario Dacò Coppi.

 

Xamza iyo danjiraha ayaa waxa ay ka wada-hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Sidoo kale ra’iisul wasaaraha ayaa uga mahadceliyey dowladda Talyaaniga taageerada dhinacyada kala duwan leh ee ay siiyaan Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed,gaar ahaan barnaamijka sanduuqa nabaddeynta iyo dowlad-dhiska Soomaaliya.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here