Sawirro: Maxay ka wada-hadleen taliska ciidanka Xoogga dalka iyo ATMIS?

0

MUQDISHO (SMN) – Kulan gaar ah oo ay yeesheen taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxyidiin iyo saraakiisha ATMIS ayaa looga hadlay dardar-galinta howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda dalka.

 

Kulankan ayaa sidoo kale looga hadlay xoojinta wada shaqeynta ATMIS ee kala dhaxeysa Ciidanka Xoogga Dalka ayaga oo la filayo in ay qayb ka noqdaan wajiga labaad ee dagaalka.

Sidoo kale waxa uu kuankan ku soo aaday ayada oo uu socdo qorshaha dhimmista ciidmada howlgalka kumeel gaarka ah ee ATMIS, kuwaaas oo la qorsheeyay in dhammaadka sanadkaan qayb kamid ah la dhimo.

Waxaa hada ay baneeyeen xarumo muhiim ah oo ay ilaalin jireen, kuwaas oo kamid ah xafiisyada madaxda ogu sareysa dalka sidoo kale saldhigyo ay ciidamada ATMIS ku lahaayeen qaar kamid ah gobolada dalka ayaa lagu wareejiyay ciidamada Xoogga dalka.

Ciidamada ATMIS ayaa dhowrkii sano ee ina dhaafay ku sugnaa Soomaaliya ayaga oo qayb ka ahaa dagaalka Al-Shabaab ee ka socoda dalka.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here