Sawirro: Maxay ka wada-hadleen wasiirka arrimaha gudaga iyo wakiilka UNHCR?

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Xildhibaan Cali Yuusuf Cali(Xoosh), Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda mudane Cabdixakiim Xasan Ashkir iyo sidoo kole Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan Mohamed ayaa kulan mira-dhal ah la qaatay wakiilka hey’adda Qaxootiga aduunka (UNHCR) ee Soomaaliya mudane Charles Mballa.

 

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay sidii loo dardar-galin lahaa taageerada Qaxootiga, Barakacyaasha iyo dadka dalka dib ugu soo laabtay, iyadoona gudoomiyaha hay’adda NCRI marwa Safiya ay xustay in dowladda Soomaaliya Mas’uuliyad gaar ah iska saartay garab istaagga dadka Nugul.

Kulanka ayaa sidoo kole looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin, Dedaallada xalka-waara loogu abuuraayo Barakacayaasha iyo Qaxootiga ku nool dalka.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here