Sawirro: Maxay ka wadahadleen Axmed Madoobe iyo taliyaha milatariga Kenya?

0

KISMAAYO (SMN) – Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa Sabtidii magaalada Kismaayo kulan kula qaatay taliyaha ciidamada milatariga Kenya (KDF),Gen Francis Omondi Ogolla oo booqasho ku tegay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

 

Kulanka ayaa lagaga hadlay arrimaha amniga, gaar ahaan wajiga labaad ee howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, si gaar ahna howlgalka deegaanada Jubaland oo ay ka qeybgalayaan ciidamada dowladaha dariska ah.

Sidoo kale waxaa kulankan lagu soo qaaday qorshaha dhimmista ciidamada howlgalka ATMIS ee hadda lasoo gabagabeeyey.

Taliyuhu waxa kaloo uu booqday Ciidanka Kenya KDF ee qaybta ka ah ATMIS ee ku sugnaa saldhigga garoonka cusub ee ku yaalla duleedka magaallo xeebeedka Kismaayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here