Sawirro: Maxay ka wadahadleen Axmed Madoobe iyo Maxamuud Macalin?

0

KISMAAYO (SMN) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa xalay Xarunta Madaxtooyada Kismaayo ku qaabilay Gudoomiyaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka Qaranka Maxamuud Macalim Cabdulle iyo Wasiirada Wasaaradaha Maareeynta Musiibooyinka ee Dowladaha Xubnaha ka ah JFS oo ka qeybgalaya shirka Madasha arimaha Gargaarka oo lagu qabanayo Magaalada Kismaayo.

 

Masuuliyiintan kala duwan waxaa ay Madaxweynaha Jubbaland Warbixin ka siiyeen howlaha shaqo ee u qabsoomay inta ay joogeen Magaalada Kismaayo.

Sidoo kale waxaa dhawaanna Kismaayo laga daah furi doonaa Shirka Madasha arimaha Gargaarka oo looga hadli doonno jihaynta Gargaarka iyo taakulada Dadka Soomaaliyeed ee la kulma Musiibooyinka dabiiciga ah gaar ahaan Fatahaadaha iyo Abaaraha.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here