Sawirro: Muxuu ahaa ujeedka kulanka uu guddoomiyay Cabdi Xaashi Cabdullahi?

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi oo uu wehliyo Guddoomiye ku xigeenka labaad Mudane Cabdullahi Cali Xirsi {Timacadde} ayaa shir guddoomiyay kulanka lixaad ee Kalfadhiga 5-aad ee guddiga joogtada Aqalka Sare.

 

Ajandaha kulanka maanta oo ahaa is-xogwaraysi guud ayaa guddoomiyuhu warbixinno ku saabsan howlaha shaqo ee guddiyada wuxuu ka dhagaytsay Guddoomiyayaasha guddiyada golaha, iyaga oo si faahfaahsan ula wadaagay qorshe howleedkooda, arrimaha hortebinta u leh iyo waxyaabaha u qabsoomay.

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo kulanka soo xiray ayaa ku ammaanay xubnaha guddiga joogtada ah isku xirka wada shaqaynta dhexdooda ah iyo dadaalka ay ugu jiraan dabagalka, kor-joogtaynta iyo la xisaabtanka hay’adaha dowladda, wuxuuna kula dardaarmay in ay laba jibaaraan shaqadooda ayna dardar geliyaan waajibaadka loo xilsaaray guddi walba.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here