Sawirro: Muxuu ahaa ujeedka kulanka uu maanta guddoomiyay Duqa Muqdisho?

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka Guddoonka sare ee Maamulka Gobolka Banaadir, kaas oo ka qaybsoomay Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar.

 

Kulankan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa looga hadlay Horumarinta Caasimadda, Amniga, Dib-u-dhiska, Dhaqaalaha iyo Taageerada Dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda dalka.

Duqa Magaalada Muqdisho ayaa sidoo kalw warbixino ka dhageystay Guddoomiye Kuxigeenada Maamulka Gobolka Banaadir, Xoghayaha Guud iyo Taliyaha Ciidanka Ilaalinta Deegaanka Xamar.

Sidoo kale waxa uu faray in la  dar-dargeliyo Shaqooyinka Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar, si Bulshada Caasimadda iyo kuwa Gobolka Banaadir ay u helaan adeeg hufan.

  

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here