Sawirro: Muxuu ahaa ujeedka shirka uu guddoomiyay Axmed Madoobe?

0

KISMAAYO (SMN) – Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa xalay Shir gudoomiyay kulan lagaga hadlayay dardar galinta howlgalada kasocda deegaanada Jubaland ee ka dhanka ah Al-Shabaab iyadoo Madaxweynahu uu warbixin la xiriirta howlgalada socda ka dhagaystay Sarakiisha Ciidamada.

 

Kulanka Waxaa ka qeybgalay Wasiirka Amniga General Yusuf Osman iyo taliyayaasha Ciidamada iyo Hay’adaha amniga Jubaland iyo Ciidamada Xooga dalka.

Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyay shaqada adag ee ay hayaan Ciidamada kala duwan ee Howlgalka ku jira kuwaas oo jab xoogan gaarsiiyay maalmihii lasoo dhaafay Shabaab.

Sidoo kale Waxaa Madaxweynahu uu sheegay in howlgalada ilaa hada la sameeyay laga gaaray guulo wax ku ool ah oo ay ku diirsadeen shacabka, ayna joogteyn doonaan.

Ugu dambeyn Axmed Madoobe ayaa shacabka ree Jubaland ugu baaqay inay garab istaagan Ciidamada howlgalada ku jira oo u dhimanaya una dhaawacmaya sidii Al-Shabaab looga saari lahaa gobollada Jubbooyinka oo ah meelaha ay sida weyn ugu xoogan tahay.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here