Sawirro: Muxuu ahaa ujeedka shirka uu guddoomiyay duqa Muqdisho?

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa guddoomiyay shirka Agaasimeyaasha Guud iyo Agaasime Waaxeedyada Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar.

 

Shirkaan oo ahaa mid isla xisaabtan iyo kala war-qaadasho ayaa looga hadlay dar-dargelinta shaqooyinka Dowladda Hoose ee Xamar, tayeynta shaqaalaha iyo sidii looga dhabeyn lahaa qorshayaasha hor-tabinta u leh Maamulka Gobolka Banaadir ee lagu horumarinaayo Caasimadda Muqdisho.

Guddoomiye Madaale ayaa sheegay in la joogteyn doonno isla xisaabtanka Agaasimeyaasha Guud iyo Agaasime Waaxeedyada Maamulka Gobolka Banaadir, si loo dar-dargeliyo adeegyada loo haayo shacabka, isla markaana ay Howlwadeenada si hufun u gutaan waajibaadkooda shaqo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here