Muxuu ahaa ujeedka kulanka uu R/W ku xigeenka XFS uga qaybgalay Muqdisho?

0

MUQDISHO (SMN) – Raiisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa ka qayb galay Kulan farsamo oo saabsanaa Amniga, Caddaaladda iyo Dowladd wanaagga, kaas oo ku salaysan qiimayn ay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Dib U Heshiisiinta iyo Federaalayntu ka samaysay deegaannada laga xoreeyay Khawaarijta.

 

Raโ€™iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa tilmaamay in Xukuumadda #DanQaran dhinac wado hawlgallada dalka looga xoraynayo Khawaariijta barnaamijka dib u dejinta dadkii ka baro kacay dagaalada iyo hirgalinta adeegyadii bulshada ee muhiimka ahaa, isla markaana ay horkacayso Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dib u Heshiisiinta oo hada soo diyaarisay qiimayn lagu ogaan karo waxa hirgalay iyo inta dhiman.

Mudane Saalax ayaa xusay in hada dowladu qaybo ka mid ah adeegyadii bulshada gaadhsiiyey deeganadii la xoreeyey, iyadoo qorshu yahay in deegaan kasta oo la xoreeyo loo dhamaystiro adeegyada muhiimka ah, isla markaana dadka deegaannka wacyi galin loo sameeyo.

Wasaaradaha Caddaalada iyo Amniga Gudaha, ayaa soo dhankooda soo bandhigay qorshoha ku aaddan dib u dejinta deegaannada la xoreeyey, gaar ahaan hannaankii looga hirgalin lahaa adeegyadii bulshada sida xarumihii Garsoorka iyo Saldhigyadii Booliska, si loo sugo Amniga iyo kala danbaynta.

โ€”๐——๐—›๐—”๐— ๐— ๐—”๐—”๐—— โ€”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here