Sawirro: Muxuu yahay ujeedka shirka uu guddoomiyay madaxweyne Xasan?

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la kulmay Guddiga Qaran ee La-dagaallanka Lacag-dhaqidda iyo Ka-hortagga Maalgelinta Argagaxisada (AML/CFT) oo uu ka dhageystay warbixin ku saabsan miro-dhalka qorshaha qaran ee curyaaminta awoodda dhaqaale ee argagixisada Alshabaab.

 

Guddigan Qaran ayaa soo bandhigay baraarugga shacabka Soomaaliyeed ee ka dhanka ah argagixisada, waxa ayna sheegeen in la daciifiyey awooddii khawaarijtu ay u lahaayeen urursiga baadda iyo boobka ay ku hayeen ganacsatada Soomaaliyeed, taas oo aas-aas u ah ciribtirka iyo dabargoynta arxanlaaweyaashan ku naaxay dhiigga dadkeenna.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab uu leeyahay saddex furimood oo isbarbar socda kuwaas oo kala ah; furinta dhaqaalaha, tan fikirka iyo dhanka milatariga, waxa uuna sheegay in aan laga xoreyn karin dalka haddii aan guul wadajir ah laga keenin furimahaas isku sidkan.

Dhanka kaale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehlinayo Ra’iisul XFS mudane Xamse Cabdi Barre ayaa kormeeray xarunta hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaran, iyaga oo u kuur galay howla shaqo ee ay hay’adda u hayso dalka.

DHAMMAAD.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here