Sawirro: Puntland oo gacanta ku dhigtay shabakad iyo hub fara badan

0

BOOSAASO (SMN) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo saacadihii lasoo dhaafay ciidamada ammaanka ee Puntland ka sameeyeen gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

 

Howlgalkan oo ahaa mid bartilmaameed ah ayaa waxaa lagu soo qabtay hub tiro badan iyo shabakaddii lahayd, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay taliska PMPF.

Sidoo kale taliska ayaa sheegaya in kooxda lasoo qabtay ay gacan saar la leedahay kooxaha Argagixisada, isla markaana ay isugu jiraan Soomaali iyo Ajaaniib.

Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa sidatan:-

Ciidamada sida gaar ka ah u tababaran ee PMPF oo kaashanaya Hay’adda Sirdoonka Puntland ee PISA ayaa hawlgal ay ka sameeyeen Boosaaso gacanta ku dhigay shakhsiyaad ka tirsan shabakado gacansaar la leh Argagixisada oo isugu jira Soomaali iyo Ajaanib, kuwaas oo lagu soo qabtay walxaha qarxa iyo hubka culus.

Kooxahan gacanta lagu dhigay ee qaybta ka ah Shabakado lagu raadjoogo ayaa lagu qabtay noocyada kala duwan ee hubka culus, Budada laga Sameeyo walxaha Qarxa, Miinooyin, Bambooyinka gacanta, Hoobiyayaal iyo agabyo kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here