Sawirro: Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo dhagax dhigay dhismooyin cusub

0

MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta dhagax dhigay dhismooyin cusub oo ay yeelan doonaan Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada, Hay’adaha Isgaarsiinta Qaranka, Dhowrista Xogta iyo Tayo-dhowrka.

 

Xarumahaan oo dhammaantood lagu dhisayo isku tashi dadwayne, ayaa qayb ka ah qorshaha Xukuumadda DanQaran ee dib-u-dhiska xarumaha dowladda, kuwaas oo laga dhisayo waddada Jayga ee u dhow Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in dhismayaashani ay qeyb ka yihiin dadaallada Xukuumadda DanQaran ay ugu jirto dib-u-dhiska xarumaha dowladda, si shacabka Soomaaliyeed ay u helaan adeeg hufan.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here