Sawirro: Ra’iisul wasaare Xamza oo xilalka u kala wareejiyay wasiirada cusub

0

MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta xilalka u kala wareejiyay Wasiiradda cusub ee Wasaaradaha Maaliyadda, Mudane Biixi Iimaan Cige iyo Wasiirkii hore Dr Cilmi Maxamuud Nuur, Wasiirka cusub ee Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Mudane Maxamed Cilmi Ibraahim, si ay u gutaan waajibaadka Qaran ee loo Igmaday.

 

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlay munaasabadaha xilalka loogu kala wareejinayay Wasiiradda cusub ayaa kula dardaarmay in ay si hufan ay uga soo dhallaalaan waajibaadka culus ee loo dhiibay.

Sidoo kale wuxuu usoo jeediyay in shaqooyinkooda ay waafajiyaan qorsheyaasha horutabinta u leh Xukuumadda DanQaran.

Dhowaan ayay aheyd markii uu ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre sameeyay magacaabis iyo isku shaandheyn saameysay qaar kamid ah Golaha Wasiirada Soomaaliya.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here