Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa qaabilay Safiirka Dowladda Qatar ee Soomaaliya Danjire Xasan Xamza oo ay ka wada hadleen xiriirka labada dal, habsami u socodka mashaariicda horumarineed ee Dowladda Qatar oo ay ka hirgelineyso Soomaaliya iyo Arrimaha doorashooyinka dalka.



