RW ku xigeenka dalka oo qaabilay guddoomiyaha SoDMA iyo wasiiro

0

MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda JFS mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Maxamuud Macallin Cabdulle oo ay wehliyaan Wasiirrada gargaarka Dowlad goboleedyada dalka iyo maamulka KMG SSC Khaatumo kuwaas oo qeyb ka ahaa shirkii madasha arrimaha bani’aadannimada.

 

Kulankaan waxaa looga hadlay xaaladaha la xariira arrimaha bani’aadannimo ee dalka iyo sidii loogu diyaar-garoobi lahaa abaarta la saadaalinayo ee La-nina taas oo lid ku ah fatahaadihii El-nino, kuna heer ah abaartii 2022 ee macluusha ku dhawaatay.

Guddoomiye Maxamuud Macallin ayaa Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XJFS, ka codsaday in hay’adaha ay quseyso uu kala hadlo sidii Hay’adda SoDMA muhiimad gaar ah looga sii lahaa Qorshaha Is-beddelka Qaran (NTP), si ay u guuleystaan dadaallada bani’aadannimo ee hay’addu hormuudka ka tahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here