Sawirro: Saddex ra’iisul wasaare hore oo soo gaaray magaalada Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka Gaadiidka iyo duulista Hawada XFS Fardowso Cusmaan Cigaal iyo agaasimaha guud ee Madaxtooyada Qaranka ayaa Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhoweeyay Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Mudane, Xasan Cali Khayre oo muddooyinkii dambe dalka ka maqnaa.

 

Xasan Cali Khayre ayaa ka qeyb ah Madaxda ku casuuman Shirweynaha Wada tashiga oo beri ka furmaya Muqdisho, kaas oo uu guddoomin doono Madaxweynaha Jamhuuriyadda mudane, Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale Ra’iisul wasaareyaashii hore ee Dalka Cabdiwali Cali Gaas iyo Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa iyaguna haatan ka soo dagay Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, waxaayn ka qaybgeli doona shirka beri ka furmaya Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here