Sawirro: Shirka golaha wadatashiga qaranka oo maanta dib uga furmay Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa maanta dib uga furmay xarunta Madaxtooyada Qaranka Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho.

 

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo uu shir gudoominayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jamhuuriyadda Federaalka, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana goobjooga ra’iisul wasaaraha, ku xigeenkiisa, madaxda dowlad goboleedyada HirShabelle, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdosho

Wararka ayaa sheegaya in shirkan diiradda lagu saarayo arrimaha Amniga, Dowlad-dhiska iyo Doorashooyinka, iyo qodobo kale oo muhiim u ah horumarka Dalka.

Shirka maanta u furmay golaha wadatashiga qaranka waxaa ka maqan madaxweynaha Jubbland oo dhowaan ka biyo diiday in la sameeyo muddo kororsi, halka uu horay madasha uga maqnaa madaxweynaha Puntland.

Si kastaba, waxaa la filayaa in madaxda haatan shireysa inay soo saaraan go’aanno wax ku ool ah oo la xiriira xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka oo uu weli ka taagan yahay muran xoogan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here