Sawirro: Shirweyne muhiim ah oo ka furmay magaalada Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa maanta furay shirka ansixinta qorshaha shanta sano ee hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda Soomaaliya oo maanta ka furmay magaalada Muqdisho.

 

Shirka oo socon doona mudo laba maalmood ah, ayaa aad loogu lafoguri doonaa qorshaha hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha ee shanta sano ee soo socota, sidii loo horumarin lahaa adeegyadda ay shacabka u hayso, ilaalinta xogta shakhsiga iyo amniga qaranka.

Wasiirka Amniga ayaa ku amaanay maamulka iyo shaqaalaha hay’adda Socdaalka, dedaalka iyo horumarka ay ka sameeyeen shaqada, isla markaana ay sii laba jiraan, isagoo intaas ku daray in hay’adu ku tallaabsatay isbedel iyo horumar lataaban karo oo ay ku dabooshay baahiyaha socdaal iyo adeegga baasaboor bixinta dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here