MUQDISHO (SMN) – Hay’adda Maareynta Musiibooyinka ayaa Xarunta Qaran ee Howl-gallada Gurmadka Deg degga ah ku qabtay shir Saddax bilood-le ah oo la isugu keenay hay’adaha kala duwan ee dowladda federaalka.
Shirkan ayaa diiradda lagu saaray tayeynta iyo aqoon kororsiga shaqaalaha, dhinaca barnaamijyada iyo dib u eegida qodabbadii ka soo baxay shirarkii hore.
Ugu danbeeyn waxaa la isku afgartay sidii loo sii dadargalin lahaa wadashaqenyta iyo sidii la isku dhaafsan lahaa warbixinnada si joogta ah.