MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Md. Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) Guddoomiyaha Guddiga Gurmad Qaran, ahana Wasiirka Wasaradda Cafimaadka JFS, Dr. Cali Xaaji, Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada JFS Faarax Sh. Cabdulqaadir, Guddoomiyaha Hayโadda Maareynta Musiibooyinka Md. Maxamuud Macallin iyo xubno kale oo ka tirsan Guddiga ayaa Xarunta NEOC ku yeeshay kulan diiradda lagu saaray sidii jawaab soo jabasho looga bixin lahaa qasaaraha ka dhashay dabkii ka kacay suuqa Hanti-wadaag ee magaalada Jowhar.
Kulanka ayaa lagu soo bandhigay warbixinta SoDMA ee xaaladda suuqa ee lagu ogaaday safarkii u-kuur-galidda ahaa ee Guddoomiyaha Hayโadda ku tagay Jowhar, taasoo lagu xusay in dabku baabiโiyay 900 oo goobo ganacsi ah, burburiyay dhaqaale dhan $2 milyan ilaa 2.5 milyan, isla-markaana wax-yeelleeyay hab-nololeedka 5,000 oo qoys.
Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Md. Cali Cabdullaahi Xuseen ayaa Hayโadda SoDMA iyo Guddigu Gurmadka Qaran ku boorriyay dedaalka socda ee dadka khasaaruhu gaaray lagu garab istaagayo, Guddiga ayaana ballan-qaaday in si wax-ku-ool ah loo taageeri doono dadka ceyrtaabay ee gacan-qabadka deg-degga ah u baahan.