Sawirro: Soomaaliya oo shirweyne caalami ah uga qayb-galeysa New York

0

NEW YORK (SMN) – Wasiirka Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah mudaneĀ  Abshir Cumar Huruuse ayaa gaaray Magaalada New York ee dalka Mareykanka.

 

Wasiir Huruuse ayaa New York kaga qeyb galayo shir heerkiisu sarreeyo oo yabooh dhaqaale loogu sameyn doono dalalka Geeska Afrika oo Soomaaliya qeyb ka tahay.

“Waxaan saaka soo gaaray magaalada New York si aan uga qaybgalo shir heer sare ah oo yabooh dhaqaale loogu samayn doono wadamada geeska Afrika ee sanadihii la soo dhaafay ay abaaruhu saamaynta xun kaga tageen” ayuu yiri Wasiir Huruuse.

Wasiirka ayaa intaas ku daray” Waxaan shirka la wadaagi doonaa waxyaabaha qaybta ka ah abaaraha soo noqnoqday iyo daadadka xilli roobaadka, oo ay ugu weyntahay saamaynta isbeddelka cimladu”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here