AWDHEEGLE (SMN) – Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka General Ibraahim Sheekh Muxyadiin ayaa gaaray degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellada hoose oo shalay khasaare lagu gaarsiiyay Al-Shabaab, kadib weerar ay ku soo qaadeen degmadaasi.
Taliyaha ayaa kulan la qaatay saraakiisha Ciidanka xoogga ee Awdheegle ku sugan waxaana uu ku amaanay sida ay uga hortageen xubnaha Al-Shabaab.
Sidoo kale wuxuu kormeeray fariisimaha ciidamada Xoogga dalka ee ku yaalla degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-