Sawirro: Taliyeyaasha cusub ee ciidanka Xoogga dalka oo xilalka la wareegay

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka Gaashandhigga XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa xilalka u kala wareejiyey taliyaha cusub ee ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxiyadiin iyo Taliyihii hore Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage.

 

Sidoo kale taliyihii hore ee ciidanka dhulka ee Xoogga Dalka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa xilka ku wareejiyey taliyaha cusub Jeneraal Axmed Aadan Cali.

Taliyeyaasha xilalka wareejiyay ayaa ballan qaaday inay garab istaag u muujin doonaan saraakiisha cusub ee lasoo magacaabay todobaadkii hore.

Dhankiisa Taliyaha cusub ee ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxiyadiin ayaa dhankiisa amaanay labada taliye, isagoo sheegay iney soo gaarsiiyeen ciidanka meel wanaagsan oo ay sii dar dar galin doonaan shaqada qarank

Tallaabadan ayaa imaaneysa ayada oo uu hakad galay dagaalkii ka dhanka ahaa Al-Shabaab, oo aysan dowladda muddo bil ah qaadin wax howlgal ah oo ka dhan ah kooxda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here