Sawirro: Wafdi horleh oo gaaray magaalada Dhuusamareeb

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Wasiirka Cadaalada iyo Dastuurka XFS Mudane Xasan Macalim,Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA Mudane Maxamuud Macalim Cabdulle iyo Wafdi ay hoggaaminayan ayaa maanta Gaaray Magaalo madaxda Dowladd Goboledka Galmudug ee Dhuusamareb.

Wasiirada Gargaarka,Cadaalada ee Dowladd goboleedka Galmudug iyo Masuuliyiin kale ayaa Wasiirka iyo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA ku soodhaweeyey Garoonka diyaradaha Ugaas nuur .

Ujeedka socdalka Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta ayaa daaran u kuur galida xaalada bini’aadanimo ee halkaas ka jirta,ka qeybgalka shir deg-deg ah oo looga hadlaayo xaaladaha bini’aadanimada,iyo ka hortaga Aafooyinka,iyo u diyaar garowga sidii gargaar deg-deg loo gaarsiin la haa deeganada dhawaan khawaarijta laga saari doono.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA ayaa shalay sheegay in ay diyaar u yihiin ka hay’add ahaan in deegan walba oo laga xoreeyo khawaarijta ay gaarsiin donaan bulshada ku nool Mucaawino iskugu jirta Raashinka qeybihiisa kala duwan Daawooyin iyo Dhar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here