Sawirro: Wafdi ka socda bulshada Bariga Afrika oo soo gaaray Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Wafdi ka socda Bulshada Bariga Afrika qeybta u qaabilsan Duulista Rayidka ayaa maanta soo gaaray Magaaladda Muqdisho, waxaa wafdigan Garoonka Aadan Cabdulle kusoo dhaweeyay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista iyo Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed.

 

Wafdigan oo ka kooban khubaro dhanka Duulista Rayidka ayaa inta ay ku suganyihiin Magaaladda Muqdisho, waxa ay kullamo iyo daraasado wada-shaqeeyn la yeelan doonaan dhigooda Soomaaliya, iyadoo xooga la saari doono mideeynta iyo is-waafajinta shuruucda iyo xeerarka bad-qab ee mideeynaya Bulshada Bariga Afrika si loo gaaro Duulis Rayid oo lagu mideeysanyahay.

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed Md. Ahmed Moallin Hassan ayaa sheegay in arrintan ay qeyb ka tahay u diyaar garowga Soomaaliya ee baaritaanadda Hay’adda Duulista Aduunka (ICAO) ku imaneeyso Soomaaliya.

Hay’adda #CASSOA oo u qaabilsan Ururka Bulshada Bariga Afrika Duulista Rayidka ayaa Dalalka xubnaha ka ah Bulshada ka caawisa helidda kheeyraadka farsamo iyo khibrad si sare loogu qaado horumarka dalalka xubnaha ka ah Bulshada.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here