MUQDISHO (SMN) – Wafdi ka socda Golaha Ammaanka iyo Nabadda ee Midowga Afrika (AUPSC), oo uu hoggaaminayo Wakiilka Joogtada ah ee Guddi-hoosaadka qaxootiga dalkooda dib ugusoo laabta iyo barakacayaasha, Danjire Jainaba Jagne, ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Booqashada wafdigan ayaa qaadan doonto muddo toddobaad ah,,si ay ula kulmaan daneeyayaasha muhiimka ah una qiimeeyaan xaaladda bini’aadantinimo.
Madaxdan Midowga Afrika ayaa waxaa soo dhaweeyay Ku xigeenka Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u qaabilsan Midowga Afrika iyo UNECA, Shafie Nuralaas Farah, Taliyaha Ciidamada ATMIS, Sarreeye Guud Sam Okiding, iyo Taliye ku xigeenka Ciidamada ATMIS ee dhanka Howlgalada iyo Qorsheyaasha Sarreeye Gaas Marius Ngendabanka
Wafdiga aya la filayaa in ay kulamo la qaataan madaxda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Hay’adaha Samafalka, Ururada Bulshada Rayidka ah, IGAD, Safiirada dalalka ay ciidamadooda ka midka yihiin ATMIS, iyo xubno kale oo muhiim ah.
Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-