Sawirro: Wasiir Axmed Macallin Fiqi oo guddoomiyay shir muhiim ah + Ujeedka

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa shir-guddoomiyay kulan xog isweydaarsi oo ka dhacay Xarunta Wasaaradda oo ay ka qeybgaleen Gudoomiyaha Hay’adda Maaraynta Masiibooyinka, Mudane Maxamuud Macallin, howlwadeenno iyo lataliyaal ka socday hay’addaasi iyo qaar ka mid ah agaasimayaasha Waaxyaha Wasaaradda.

 

Guddoomiye Maxamuud Macallin ayaa kulanka ka sheegay xaaladaha bani’aadannimo ee dalka uu marayo, arrimaha hortabinta u leh hay’adda sida dhisidda awoodda iyo aqoonta howlwadeennada, kahortagga masiibooyinka ka dhaca dalka iyo yaraynta khatarta ay ku leeyihiin muwaadinka iyo hantida Soomaaliyeed.

Mas’uuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, ayaa u ballanqaaday Hay’adda SoDMA in ay u noqon doonaan wakiil buuxa ee masraxyada caalamka ka iibiya waxqabadka iyo qorshayaasha hortabinta u leh hay’adda maaraynta masiibooyinka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here