MUQDISHO (SMN) – Wasiirka wasaaradda difaaca Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa magaalada Muqdisho kulan la qaatay safiirka cusub ee UK u qaabilsan Soomaaliya, Michael Nithavrianakis.
Wasiirka iyo danjiraha ayaa is dhaafsaday arrimo ku saabsan iskaashiga dhanka difaaca iyo amniga ee Soomaaliya iyo Ingiriska oo si weyn isaga kaashada dhinaca amniga.
Sidoo kale wasiirka ayaa si diiran u soo dhaweeyay safiirka oo dhawaan waraaqadaha aqoonsiga uu ka gudoomay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.
Si kastaba ha’ahaatee wasiirka difaaca Soomaliya ayaa qoraal kooban uu soo saaray kuanka kadib ku sheegay in safiirka UK ee Soomaaliya uu kala hadlay, sida labada dal ay isaga kaashan karaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Jaamac ayaa sidoo kale qoraalkiisa ku xusay in danjiraha Ingiriiska uu kala hadlay ahmiyada ay leedahay in si dhaqsa ah cunaqabateynta hubka looga qaado Soomaaliya si ciidamadeeda ay u helaan wax walba oo lagama maarmaan u ah dagaalka Al-shabaab.
Dhinaciisa danjire Michael Nithavrianakis ayaa xusay in UK ay sii wadayso taageerada ay siiso ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo isugu jirta tababar iyo taageero farsamo, si loo wiiqo awoodda Al-Shabaab oo dagaal adag ay kula jirto dowladda Soomaaliya.
Soomaaliya ayaa in ka badan 20 sano waxaa saaran cunaqabateyn dhanka hubka ah iyada oo sanadkii 2013 Soomaaliya laga qaaday qeyb kamid ah cunaqabaneyntaasi, inkastoo golaha ammaanka ay sanadle u kordhiyaan mudada cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya.