Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda oo tababbar u furay safiirro magacaaban

0

MUQDISHO (SMN) –  Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee qaabilsan Arrimaha Bulshada Bariga Afrika, Mudane Cali Maxamed Cumar ayaa maanta Machadka Diblomaasiyadda ka furay tababbar ay qaadanayaan 12 Safiir oo magacaaban iyo 2 Qunsul guud, isagoo sheegay in laga doonayo inay ka soo dhalaalaan ammaanada iyo mas’uuliyadda qaran ee loo igmaday.

 

Agaasimaha Machadka Diblomaasiyadda, Danjire Cabdulqaadir Amiin Sheekh, ayaa ka sheegay tababbarkan oo la xiriira Diblomaasiyadda in safiirrada cusub, Qunsulada iyo diblomaasiyiinta looga baahanyahay in ay aqoontooda ku lifaaqaan waddaniyadda oo ay muujiyaan karaamada shaqo iyo matalaad iyagoo waxwalba ka hormarinaya danta qaranka, wuxuu intaa ku daray in tababarkani uu wax badan ka tari doono ilaalinta danta qaranka.

Shaafici Nuur Calas , Kusimaha Xoghayaha Joogtada ahna Agaasimaha Waaxda Afrika ee Wasaaradda, ayaa ugu dambeyntii sheegay safiirrada iyo qunsulada guud looga baahan yahay sare u qaadidda maqaamka dalka iyo sumcaddiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here