Sawirro: Xamza oo la kulmay ku xigeenka xoghayaha guud ee QM + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jahmuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Taageerada Hawlgallada, Mudane Atul Khare, waxana ay ka wada hadleen xoojinta iskaashiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.

 

Ra’iisul Wasaaraha iyo Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ayaa kulankooda uga wada hadlay xoojinta taageerada xagga amniga iyo farsamo ee Q.M. u fidiso dowladda Soomaaliya iyo sidii loo xoojin lahaa, gaar ahaan qorshaha ciidanka amniga Soomaaliya kula wareegayaan goobaha ay banneeyaan ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS iyo u diyaargarowga hawlgalka cusub ee AUSSOM.

Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Waaxda Taageerada Hawlgallada, ayaa dhankiisa ka mahadceliyey soo dhowaynta Ra’iisul Wasaaraha, isaga oo ugu hambalyeeyay Soomaaliya kursiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, una rajeeyay in Soomaaliya ay gacan ka geysan karto nabadda iyo horumarka gobolka iyo guud ahaan caalamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here