Sawirro: Xamza oo maanta xarigga ka jaray xarunta xaaladaha deg-degga ah

0

MUQDISHO (SMN) -Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Md. Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta xarigga ka jaray Xarunta Daryeelka Dhaawacyada iyo Xaaladaha Deg-degga ah oo loogu tala galay in lagula tacaalo dadka ku wax-yeellooba musiibooyinka dabiiciga ah iyo kuwa dadku sameeyeen oo laga hirgaliyay gudaha Isbitaalka weyn ee Madiina.

 

Xarig-jarka xaruntaan caafimaad oo markiiba qaabili karta 200 oo qof oo u baahan gargaar deg-deg ah, ahna xaruntii ugu weyneed ee dalka laga hirgaliyo ayaa ku soo aadday laba sano kadib qaraxii Soobe 2 ee dhacay 29-kii October 2022, waxaana lagu dhisay dhaqaale uu Guddiga Gurmad Qaran oo ka kooban Wasaaraddo heer Federaal ah, Hay’adda SoDMA iyo Ururrada Bulshada Rayidka ka aruuriyay dadka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka, Md. Maxamuud Macallin Cabdulle oo hormuud u ahaa dadaallada ku aaddan dhismaha xaruntaan ayaa xusay in Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed wax badan ka barteen dhacdooyin hore u dhacay, maantana la diyaar-garoobay lana taaba-galiyay xarumo loogu adeego bulshada haddii musiibooyinku soo laabtaan.

Munaasabadda xarig-jarka waxaa qeyb ka ahaa, Wasiirroo ka tirsan Xukuumadda JFS, Xildhibaanno, madax ka socota Ururrada Bulshada, Saraakiil matalaysa Ciidanka Boliiska, qaar ka mid ah ehellada dadkii uu saameeyay weerarkii Soobe 2 iyo marti kale oo kaalin weyn ku lahayd dhismaha xarunta iyo guud ahaan howlihii gurmad ee ka dhashay musiibooyinkii dalka ka dhacay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here