XARARDHEERE (SMN) – Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta Galmudug ayaa saaka la wareegay Deegaano dhaca Koonfurta Gobolka Mudug, kadib howlgallo ay ka sameeyeen halkaasi.
Deegaanada ay ciidamado la wareegeen ayaa kala ah Dhagaxdheer iyo Dahar-Cali xayloow kuwaas oo dhammaan hoostaga magaalada Caad.
Saraakiisha horkaceysa ciidamada ayaa sheegay in wali uu socdo howlgalka isla markaana Al-Shabaab lagu baacsanayo dhulka howdka ah.
Mudug ayaa ka mid ah meelaha sida ay xoogan uga socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka.
Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-