Senatarro Mareykan ah oo Dadaal Ku Bixinaya In la Hakiyo Maalgelinta Howlgalka AUSSOM

0

Washington, D.C. – Saddex senatar oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ee Mareykanka ayaa diyaariyay hindise sharciyeed cusub oo lagu joojinayo dhaqaalaha ay dowladda Mareykanka ku bixiso howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya.

 

Xildhibaanada ayaa sheegay in Mareykanka uusan bixin doonin wax lacag ah ilaa ay dalalka Midowga Yurub, Midowga Afrika, iyo Qaramada Midoobay bixinayaan qaybtooda kharashaadka hawlgalka. Waxay intaas ku dareen in Mareykanka  uu bixin jiray wax ka badan lacagta ay dalalka kale bixiyaan, taasina aan cadaalad ahayn.

Hindisahan ayaa lagu wado in ay si rasmi ah ay Aqalka Senate-ka u horgeeyaan Xildhibaanada kala ah Jim Risch, Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibedda ee Senate-ka, Senatar Ted Cruz, iyo Senatar Rick Scott.

Senator Risch ayaa u sheegay Fox News in sharcigan uu qeyb ka yahay dadaallada lagu ilaalinayo canshuuraha muwaadiniinta Mareykanka, isla markaana lagula xisaabinayo Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

Hindisaha ayaa sidoo kale Mareykanka ku doonaya inuu ku hor istaago tallaabo kasta oo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay u qaado dhanka maalgelinta hawlgalka AUSSOM, oo hadda wajahaya caqabado dhanka dhaqaalaha ah, maadaama la isku khilaafsan yahay deeqbixiyaasha sida looqeybsanaya khasarashka ku baxaya.

Senator Risch ayaa dhaleeceeyay qorshaha qaar ka mid ah dalalka Yurub ay wadaan, oo uu ku sheegay in ay doonayaan in Mareykanka lagu khasbo inuu bixiyo kharashaadka ugu badan ee hawlgalka AUSSOM. “Ma aqbali karno in nidaamkan cusub ee aan sinnaanta lahayn lagu cadaadiyo Mareykanka,” ayuu yiri.

Dhankiisa, Senator Rick Scott ayaa sheegay in Mareykanka uusan aqbali doonin in canshuuraha muwaadiniinta lagu bixiyo hawlgal aan si hufan loo maamulayn. “Waa in la hubiyaa in lacagaha la bixiyo lagu adeegayo danaha Mareykanka oo kaliya,” ayuu yiri.

Sharcigan cusub ayaa hadal heyn ka dhaliyay xarumaha diblomaasiyadda, iyadoo laga cabsi qabo in uu saameyn toos ah ku yeesho hawlgallada dagaalka lagula jiro Al-Shabaab iyo Daacish-ta Soomaaliya, iyo xasiloonida guud ee gobolka Geeska Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here